Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Go’aamisay in Baabuurtoodi Loo Celiyo Qaad layaashi Dhawaan..

0
464

Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex Oo Go’aamisay in Baabuurtoodi Loo Celiyo Qaad layaashi Dhawaan..

Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa Maanta soo saartay Go’aan Cusub, sidoo kale waxaa ay ku xukun ku riday dad ka ganacsanayay qaadka oo lasoo qabtay intii lagu guda jiray Bishii Ramadaan.

Maxkamadda Rafcaanka ayaa ugu horreeyn amar ku bixisay in dib loogu celiyo dadkii lahaa Gaadiid siday qaad oo ay Ciidanka Somaliland ay soo qabteen, kadib markii Maamulkaas uu mamnuucay keenista iyo ka Ganacsiga qaadka.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa amartay in Muwaadiniintii Gaadiidka iyo Qaadka lagu qabtay ay Maxkamadda Gobolka markii hore ku xukuntay saddex sanno iyo lacag ganaax, haatan laga Khafiilay xukunka.

Qofkii horey ugu xukunaa 3 sano oo xarig ayay Maxkamadda amartay in xarigiisa laga dhigo 1 sano iyo bar, sidaana waxa Warbaahinta u sheegay Ururka Qareennada Somaliland.

Si kastaba Maxkamadda Maroodi-jeex iyo Maxkamadda Gobollada kale ayaa Bil ka hor waxay xukumeen in Boolisku la wareego gaadiid badan oo lagu qabtay Kootarabaan ah, xilligii Guddiga ka hor-tagga COVID-19 hakiyeen Qaadka Itoobiya ka yimaadda, si looga hor-tago Xanuunka Cudurka oo xillligaa aad ugu faafayey Dunida iyo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here