Madaxweynaha Somaliland Oo Markii Ugu Horreysay La Kulmay Cali Khaliif Galaydh

0
434

Madaxweynaha Somaliland Oo Markii Ugu Horreysay La Kulmay Cali Khaliif Galaydh

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreeysay kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Maamulka Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Cali Khaliif ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan, sida ay ilo-wareedyo xog-ogaal ah u xaqiijiyeen Wargeyska Geeska Afrika.

Cali Khaliif oo ahaa Madaxweynihii hore ee Khaatum ayaa waxaa uu sanadkii 2017-kii heshiis ka kooban dhowr qodobo la saxiixday Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Heshiisyadaas oo gaarayay ilaa lix qodob ayaa waxaa la sheegay in Madaxweyne Muuse laga sugayay inuu fuliyo, kadib markii xilka uu ka dhacay Axmed Siilaanyo, waxaana heshiisyada xiligaas kamid ahaa in Xukuumadda Biixi fuliso wax ka mid ah Dastuurka Somaliland la furo si loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaaladda iyo sinaanta.

Sidoo kale qobobada ay ku heshiiyeen Somaliland iyo Cali Khaliif ayaa waxaa kamid ahaa in laga shaqeeyo sidii hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah uga hawl-gali lahaayeen deegaannada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

Waa kulankii ugu horreeyay ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu la qaato Madaxweynihii hore ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh tan iyo markii loo doortay xilka Somaliland, wuxuuna Cali ku sugnaa muddooyinkii dambe Magaalada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here