Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Galmudug oo ku kulmay Gaalkacyo

0
371

Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Galmudug oo ku kulmay Gaalkacyo

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Xarunta Madaxtooyada Puntland ee Waqooyiga Gaalkacyo kula kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Kulankan oo ah kii u horreeyay ee labada Madaxweyne ayaa looga hadlayaa iskaashiga amniga, wadatashinta iyo xiriirka labada maamul ee deriska ah.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa muddooyinkii u dambeeyay is bedelo ka sameeyay deegaanada Galmudug, isagoo maamulkiisa ku soo daray xubnihii mucaaradka ahaa iyo kuwii ka soo horjeeday doorashadiisa muranka dhalisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here