Ciidamo si qarsoodi ah loogu soo tababaray Eritrea oo lagu soo celiyay Muqdisho iyo kuwa cusub oo loo qaaday

0
451

Ciidamo si qarsoodi ah loogu soo tababaray Eritrea oo lagu soo celiyay Muqdisho iyo kuwa cusub oo loo qaaday

Dowladda Soomaaliya ayaa markii labaad si qarsoodi ah Ciidamo tababar ugu dirtay dalka Eritrea, iyadoo Ciidamo sanadkii hore loo qaaday dalkaas dib loogu soo celiyay Muqdisho.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in diyaarado labadii habeen ee la soo dhaafay ka degayay Muqdisho ay keentay Ciidamo tababar soo dhameystay, halka kuwa kale oo cusub la qaaday.

Bilo ka hor ayay aheyd markii warbaahinta ay la hadleen waalidiinta dhalinyaro loo qoray Askarnimo oo loo sheegay in loo qaadayo dalka Qatar, waxaana markii ay waayeen xiriirkooda iyo xaaladooda lagu wargeliyay in loo qaaday dalka Eritrea oo xiriir dhow la leh Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Tirada Ciidamada cusub ee tababarka loogu qaaday Eritrea ayaa gaarayay illaa lix boqol askari, waxaana muddo bilo ku xareysnaayeen xero ay gacanta ku heysay Hey’adda NISA.

Shaki badan ayaa ka jira Ciidamada tababarka loogu qaaday iyo kuwa soo dhameystay xilliga lagu soo aadiyay oo dalku galayo kala guur siyaasadeed, waxaana Xildhibaano iyo siyaasiyiin ay arrintan walaac uga muujiyeen sababta Eritrea oo labo sano ka hor cunaqabateynta QM saartay laga qaaday in Ciidan tababar loogu diro, iyadoo ay jireen dalal horay loogu soo tababaray Ciidamada sida Jabuuti, Uganda iyo Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here