Maleeshiyaad Xoog Kusoo Furtay Nin Ku Xirnaa Gaalkacyo Iyo Dagaal Dhacay

0
530

Maleeshiyaad Xoog Kusoo Furtay Nin Ku Xirnaa Gaalkacyo Iyo Dagaal Dhacay

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal saacadihii lasoo dhaafay Waqooyiga Magaalada Galakacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku dherxmaray Rag hubeysan oo maleeshiyo ahaa iyo Ilaalada Taliye ku-xigeenka Xabsiga Gaalkacyo.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka yimid kadib markii rasaas xoogan lagu furay gaari lagu waday Nin Masbuux oo ku xirnaa Xabsi ku yaalla Waqooyiga Gaalkacyo, kaasi oo inta uu xabsiga ku jiray xanuunsaday loona soo qaaday Xarun Caafimaad si loogu daaweeyo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in gaarigaas ay rasaasta ku fureen rag hubeysan oo ehel la’ah Ninka Maxbuuska ahaa ee la waday oo la tilmaamay in horey loogu xukumay Dil toogasho ah, waxaana intaas kadib uu dagaalka dhexmaray Maleeshiyaadka iyo Ilaalada Taliye ku-xigeenka Xabsiga Gaalkacyo.

Ugu yaraan 4 ruux oo ku jiro Taliye ku-xigeenka Xabsiga Gaalkacyo ayaa ku dhaawacday dagaalka iyo Ninkii Maxbuuska ahaa ee la waday, kaasi oo markii dambe ay si xoog ah ku wateen Ragii Maleeshiyaadka ahaa.

Dhaawaca Taliye ku-xigeenka ayaa waxaa la geeyay Xarun Caafimaad oo haatan lagu dabiibayo, waxaana sidoo kalena lala dhaawacay Askari ilaalo u ahaa oo ay rasaas haleeshay.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Laamaha amniga Gaalkacyo oo ay uga hdlayaan dagaalkaas ka dhacay gudaha Magaalada, waxaana xaalada saakay halkaas ay tahay mid degan, In kastoo dadka deegaanka ay hadal haayan sida lagu soo furtay Ninka Maxbuuska ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here