Dad Looga Shakiyay Cudurka Coronavirus Oo Lagu Qabtay Hargeysa
Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa sheegaya in halkaas lagu qabay in ka badan 13 ruux oo looga shakiyay inay qabaan Cudurka COVID-19 oo kusii faafaya dalal badan oo ku yaalla dunida.
Wariyeyaal ku sugan Hargeysa ayaa soo sheegaya in dadkaas laga qabtay gudaha Garoonka diyaaradaha Cigaal xili ay kasoo degeen diyaarad ay la socdeen, waxaana durbo halkaas looga qaaday qaaday gaadiidka Gurmadka Deg-deg ah.
Dadka la qabtay oo tiradooda ay dhan tahay 16 ruux Soomaalina ah ayaa ka yimid dalka Mareykanka iyo dalal kale oo si weyn u sameeyay Cudurka Coronavirus, waxaana la geeyay Xarun loogu talagalay in dadka lagu karantiilo.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Somalilland oo ay uga hadleyso dadkaas laga qabtay Garoonka diyaaradaha Hargeysa ee Cigaal ee looga shakiyay Cudurka COVID-19.