Imisa waddan ayaa heysata hubka nuclear-ka, meeqa xabo ayaase taalla adduunka?

0
386

Imisa waddan ayaa heysata hubka nuclear-ka, meeqa xabo ayaase taalla adduunka?

Xilligan oo ay taagan tahay xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan, sheekadan waxaad wax badan uga fahmi kartaa arrimaha hubka nuclear-ka.
Hubkan waxaa loo aqoonsaday inuu yahay midka wax gumaada ee khasaaraha ugu weyn u geysan kara dunida.
Qaraxyadiisu aad ayey u awood badan yihiin, hal bambo oo nuclear ahna waxay baabi’in kartaa magaalo dhan.
Qumbuladaha nuclear-ka waxay aad uga waxyeello badan yihiin xitaa bambada ugu weyn adduunka ee aan nuclear-ka ahayn
Waxaa jira waddamo badan oo ay ka mid tahay Iiraan, kuwaasoo aan loo oggoleyn inay yeeshaan awoodda nuclear-ka, halka kuwo kalena ay heystaan.
Waxaa laga yaabaa in aad su’aalo dhowr ah iska weydiiso arrimaha nuclear-ka – laakiin ha walwalin, waxaan isku soo toosinay jawaabaha aad uga baahan tahay inta badan su’aalahaas.
Muxuu yahay hubka nuclear-ka?
Waa qaraxyo si xad-dhaaf ah u awood badan.
Waxaa laga yaabaa inaad xasuusatid erayada “atoms” iyo “isotopes”, haddii aad soo dhigatay maadada seyniska – kuwaas ayaa qeyb ka ah hannaanka loo maro sameynta bambooyinka nuclear-ka.
Bambooyinku waxay tamartooda ka helaan atoms-yada oo kala fida ama isu imaada oo si wadajir ah cuf u sameeya. Taasi waa sababta mararka qaar bambaanooyinka nuclear-ka loogu yeero “atomic bomb”.
Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption
Mareykanka ayaa tomic bomb ku riday magaalada Hiroshima ee dalka Japan, 6-dii bishii August ee sanadkii 1945-kii
Hubka nuclear-ka wuxuu sii daayaa xaddi aad u farabadan oo shucaac ah – kaasoo ah mid sababi kara waxyeello badan – sidaas darteedna saameyntoodu waxay sii jiri kartaa xitaa marka uu qaraxa dhaco ka dib.
Hase ahaatee labo jeer oo kaliya ayaa la adeegsaday taariikhda dunida – waxaana lagu dhuftay waddanka Japan, sanadkii 1945-kii, xilligaas oo uu socday dagaalkii labaad ee adduunka. Markaas waxay bambooyinkan sababeen musiibo weyn iyo khasaare nafeed oo laga xishoodo in tiradiisa la sheego.
Shucaacii ka dhashay bambadii lagu dhuftay magaalada Hiroshima wuxuu socday dhowr bilood, wuxuuna dilay dad lagu qiyaasay 80,000 oo ruux.
Bambadii kale ee lagu dhuftay magaalada Nagasaki waxay iyaduna dishay in ka badan 70,000 oo qof.
Tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay nuclear-ka wali looma adeegsanin dagaal kale.
Sagaal waddan ayaa hadda heysta hubka nuclear-ka, oo kala ah: Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka, Faransiiska, Shiinaha, Hindiya, Pakistan, Israa’iil iyo Kuuriyada Waqooyi.
Qalab ay ku loollamaan dalalka ugu awoodda badan caalamka balse si sahlan loogu iibiyo Suuqyada
Shacabka Ruushka oo ay cabsi soo food saartay ka dib markii uu qarxay Gantaal halis ah

Yaa sameyn kara hubkan?
Markii sida guud loo eego, jawaabtu waa inuu sameyn karo qof kasta oo aqoon seynis u leh, farsamada yaqanana, qalabkana heli kara.
Laakiin marka laga hadlayo in waddamada loo oggol yahay sameysashada hubkan iyo in kale, jawaabta su’aashaas waxay qaadaneysaa sheeko dheer.
Waxaa jira wax loogu yeero is-afgaradka xakameynta hubka Nuclear-ka, oo afka qalaad loogu soo gaabiyo (NPT) – kaasoo ah heshiis looga gol leeyahay in looga hortago faafitaanka hubka nuclear-ka iyo in laga qaado waddamada aan loo oggoleyn.
Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image caption
Daruuro qiiq iyo holac ah oo ka dhashay bambo nuclear ah oo la qarxiyay
Tan iyo 1970-kii, 191 waddan, oo ay ku jiraan Mareykanka, Ruushka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Shiinaha ayaa saxiixay heshiiska ka hortagga Nuclear-ka.
Shantan waddan waxaa loogu yeeraa dowladaha ku hubeysan nuclear-ka – waana loo oggol yahay inay heystaan hubkaas, sababtoo ah waxay sameysteen oo ay tijaabiyeen ka hor inta aan heshiiska NPT la dhaqan galinin 1-dii bishii January ee sanadkii 1967-kii.
Xitaa iyadoo dalalkan ay heystaan nuclear-ka, heshiiskana ay qeyb ka yihiin, iyaga qudhooda waxaa laga rabaa inay yareeyaan xaddigiisa mana loo oggola inay waligood iska heystaan.
Israa’iil (oo waligeed aan qiranin, ama beeninin inay heysato nuclear), Hindiya iyo Pakistan midna qeyb kama aha heshiiskaas, mana aysan saxiixin.
Kuuriyada Waqooyi waxay heshiiskaas ka baxday sana

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here