Masar iyo Itoobiya oo ku heshiiyay in ay ka wadahadlaan dhisida biyo xireenka wabiga Niil
Hogaamiyeyaasha wadamada Masar iyo Itoobiya ayaa isku raacay in gudiga ka shaqeynaya wadahadalada biyo xireenka in ay dib u bilaabaan sida uu sheegay Afhayeenka madaxweynaha Masar.
Xukuumada Qaahira ayaa saluugsan dhisida biyo xireenka korontada wabiga Niil oo dhismihiisa ka socdo Itoobiya.
Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Siisii iyo ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa ku heshiiyay dib u bilaabida wadahalka kadib kulan ay ku yeesheen Khamiista maanta ah magaalada Sochi ee dalka Ruushka.
Dowlada Masar ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin dhisida biyo xireenkan oo ay sheegtay in uu dhibaato ku yahay nolosha iyo shacabka masar oo ku tiirsan biyaha wabiga Niil.