Safiir Tarsan oo Difaacay Madaxweyne Farmaajo sheegayna inuusan la kulmin Safiirka Mareykanka”

0
457

Safiir Tarsan oo Difaacay Madaxweyne Farmaajo sheegayna inuusan la kulmin Safiirka Mareykanka”

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa beeniyay inuu jiray kulan dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya, kaddib markii maanta Wargeyska afka dheer ee Dailynation uu daabacay wareysi uu la yeeshay Safiirka Mareykanka Kayle McCarter, kaasoo uu ku sheegay in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay ku kulmeen Muqdisho.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Amb. Tarsan ayuu ku qiray in dhowr bilood ka hor uu booqasho ku tagay Safiirka Mareykanka magaalada Muqdisho, balse aanay dhicin kulan dhex maray isaga iyo Madaxweyne Farmaajo.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqashada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor”ayuu yiri Amb. Tarsan.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay wargeyska Dailynation inuu iska hubiyo warbixinada uu faafinayo, inkastoo Wargeysku uu warka uu daabacay uu ahaa Wareysi su’aal iyo jawaab oo qornaa, kaasoo ku soo baxay cadadkii maanta ee Dailynation.

Hadal heyn kala duwan ayuu dhaliyay wareysiga Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya uu ku sheegay in Madaxweyne Farmaako kala hadlay inuu dacwadda Badda uu ka soo saaro Maxkamadda, taasoo keentay tuhun la xiriira in go’aankii Maxkamadda ICJ ay mar kale dib ugu dhigtay dhageysiga dacwadda Badda ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here