Dr Abiy: “Abaalmarinta la i siiyey Afrika oo dhan baa leh”

0
635

Dr Abiy: “Abaalmarinta la i siiyey Afrika oo dhan baa leh”

Raisul Wsaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed ayaa sheegay abaalmarinta nabadda ee Nobel ee la guddoonsiiyey uu keligii lahayn oo ay leedahay qaaraddan Afrika oo dhan.

Abaalmarinta Nabadda ee la guddoonsiiyey Dr Abiy waxaa looga fal celiyey siyaabo kala duwan. Goobaha sida gaarka ah looga dareemayey waxaa ka mid ah magaalada Abu Dubai.

Dhismayaasha waaweyn waxaa lagu sharraxay calanka dalka Itoobiya oo xalay oo dhan laga dheehanayey dhismayaasha intooda badan waxaa sida oo kale meela badan la suray sawirka Amiirka Imaaradka Carabta Amiir Maxamed bin Zayed iyo Ra’isul Wasaare Dr Abiy Axmed. Wuxuuna amiirka boggiisa Tweetarka soo dhigay farriin hambalya ah oo afka Amxaariga ku qoran.

Dhisma ka mid ah Abu Dubai oo calanka Itoobiya lagu sharraxayLahaanshaha sawirkaAMBASSADOR SULEYMAN DADAFO

Farrinta hambalyada uu Amiir Maxamed bin Zayid uu u diray Dr Abiy waxay u akhrismeysaa sidan: “Saaxibkeey Ra’isul wasaare Dr Abiy Axmed Abaalmarinta nabadda ee Nobel uu ku guuleystay aad baan ugu faraxsanahay. Ra’isulwasaaruhuna rajada nabadda uu gobolka ka dhaliyey abaalmarintaasi waa uu mudan yahay”.

Sawirka Amiir Maxamed bin Zayed iyo Ra'isal Wasaare Dr Abiy Axmed oo dhisma la surayLahaanshaha sawirkaAMBASSADOR SULEYMAN DADAFO

Dr Abiy Axmed waa qofka 12-aad oo qaaraddan Afrika ka soo jeeda oo Abid ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel.

Abaalmarintan oo marki 100-aad la bixiyey waxaa ilaa iyo hadda ku guuleystay 107 qof iyo 27 hay’adood.

Haddaba dadka qaaraddan Afrika u dhashay ee horay ugu guuleystay abaalmarinta nabadda waxay kala yihiin:

  1. 2008 – Denis Mukwege – Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo
  2. 2015 – 2015 Nashnay Dialog Quartet – Tunisiya
  3. 2011 – Alen Johnson Sarlif – iyo Leimah Gibowi – Liberia
  4. 2005 – Maxamed al-Baraadici -Masar
  5. 2004 – Wangari Matai – Kenya
  6. 2001 – Kofi Anan – Ghana
  7. 1993 – Nelson Mandela iyo FW Diclark – Koonfur Afrika
  8. 1984 – Dezmond Tutu – Koonfur Afrika
  9. 1978 – Anwar al-saadaat – Masar
  10. 1960 – Albert Lutuli – Koonfur Afrika

Dr Abiy Axmed Cali Muxuu ku mutuestay Abaalmarintaasi?

Waxaa la bogaadiyay dadaallada nabadda ee uu garwadeenka ka yahay ee gobolka iyo kaalinta uu ka qaatay iskaashiga caalamiga ah.

Heshiskii nabadeed ay wada gaareen Itoobiya iyo Eritrea ayaa lagu soo afjaray dagaalkii 20-ka sanno socday oo u dhexeeyay labada dal.

Guddiga Norway ee u qaabilsan abaalmarinta Nobel-ka ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in Abiy Axmed uu ku muteystay “nabadda uu la galay dalka ay collaada mudada kala dhexeysay ee Eritrea”.

Guddiga ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka ay arrintaa ka ciyaartay Eritrea.

” Nabadda kama timaada hal dhinac oo kali ah. Markii uu Abiy Axmed gacan nabadeed fidiyay, madaxweynaha Eritrea ayaa isagana ka soo jawaabay doorna ka qaatay in heshiis nabadeed oo rasmi ah ay labda dal kala saxiixdaan”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here