Jubbaland oo sheegtay in ‘Dowladda federaalka ay duulaan ku tahay Kismaayo’.

0
417

Jubbaland oo sheegtay in ‘Dowladda federaalka ay duulaan ku tahay Kismaayo’.

Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka ee Soomaaliya inay waddo qorsheeyaal ay duullaan iyo xasrad kaga abuureyso magaalada Kismaayo.

Jubbaland waxay sheegtay in “Khasaaraha ka dhasha dagaalkaas ay mas’uuliyadeeda qaadayaan madaxda dowladda Federaalka”

War saxaafadeedka kasoo baxay maamulka ayaa lagu sheegay in xayiraadda diyaaradaha ay dhibaato ku reebtay shacabka ku nool halkaas.

Waxay ha’yadaha gargaarka ugu baaqday in gargaar ay lasoo gaaraan shacabka ku dhibaateysan Jubbaland.

“Waxaan beesha caalamka ugu baaqeynaa in xayiraadda iyo cunaqabateynta sharci darrada ah laga qaado shacabka Jubbaland” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay maamulka Jubbaland.

Waxaa cirka isku shareerayay khilaafka u dhexeeyo Jubbaland iyo Dowladda Dhexe markii Jubbaland ay ka dhacday doorasho muran badan uu ka dhashay oo dib loogu doortay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Dowladda Soomaaliya waxay waxbo kama jiraan kasoo qaaday doorashadaas.

Dowladda federaalka ah wax jawaab ah wali kama bixinin eedeymahan u dambeeyay ee ka soo yeeray Jubbaland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here