Trump oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Somaliya

0
471

Trump oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Somaliya

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee dalka Somaliya u fadhin doono Magaalada Washington.

Danjire Cali Shariif Axmed ayaa maalintii Isniinta waraaqihiisa aqoonsiga ku wareejiyay Madaxweyne Donald Trump, ka dib markii uu ku qaabilay Aqalka Cad.

Danjire Cali Shariif Axmed ayaa waxaa uu noqonayaa Danjirihii saddexaad ee Somaliya u magacawdo dalka Mareykanka, tan iyo sanadkii 2014.

Danjire Cali Shariif ayaa horey u soo noqday Danjiraha dalka Somaliya ee dalalka Faransiiska iyo Itoobiya.

Wixii ka dambeeyay bilowgii 2018 ayaa waxaan jirin wax safiir ah oo Somaliya u joogay dalka Mareykanka. Axmed Ciise Cawad oo ahaa Danjirihii ugu dambeeyay ee Somaliya u joogga Washington ayaa loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here