Boqor Salmaan “Sacuudiga waa awooddaa inuu is difaaco”

0
469

Boqor Salmaan “Sacuudiga waa awooddaa inuu is difaaco”

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Abdulaziz ayaa sheegay in dalkiisa uu awooddo inuu iska difaaco waxa uu ugu yeeray weerarada fuleynimada ah ee hakiyay kala bar wax soo saarka saliidda dalkiisa.

Boqor Salmaan ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka inay si cad u wajahaan kuwii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday wax soo saarka saliidda dalkiisa.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in hubka Iiraan loo adeegsaday weerarka lagu qaaday xarunta shidaalka, hase ahaatee wax caddeymo ah ma soo bandhigin.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhowaan ku hanjabay inay qaadayaan weerar ka dhan ah Iiraan, balse ay ka sugayaan Sacuudiga cida ay rumeysan yihiin inay ka dambeysay weerarkaas.

Weerarkii sabtidii la soo dhaafay lagu qaaday xarunta shidaalka Sacuudiga ee Aramco ayaa waxaa uu hoos u dhigay 50% wax soo saarkii Saliidda Sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here