Rabshado ka dhan dadka ajaaniibta oo ka dhacay koonfur Afrika

0
503

Rabshado ka dhan dadka ajaaniibta oo ka dhacay koonfur Afrika

Booliska koonfur Afrika ayaa boqolaal ruux oo u dhashay dalkaasi ku xiray caasimada Johannesburg, kadib markii ay dhaceen dibadbaxyo ka dhan ah Ajaaniibta.

Rabshadahaan ayaa dhanka kale waxaa lagu gubay dhismayaal ganacsi iyo hanti ay lahaayeen ajaaniibta ganacsiga ku leh koonfur Afrika.

Dibadbaxayaasha ayaa dhanka kale isugu soo xoomay faras magaalaha caasimada, iyagoo dalbanaya in Ajaaniibta in ay isaga baxaan dalkaasi waxaana dhanka kale boob loo geestay dukaamo ku yaal Magaalada.

Dhanka kale booliska ayaa wada baaritaan la xiriira dil ka dhacay agagaarka xaafada Hillbrow, oo u dhow magaalada Johannesburg.

Si kastaba ha ahaatee arintaan ayaa saameyn ku yeelatay dadka ajaaniibta ah oo soomaalida ka mid tahay, waxaana gabi ahaanba la xiray xarumaha Ganacsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here