“C/rashiid Janan dambiyo culus ayuu ku eedeysan yahay” Taliye Kuxigeenka Booliska 

0
511

“C/rashiid Janan dambiyo culus ayuu ku eedeysan yahay” Taliye Kuxigeenka Booliska

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen ayaa xaqiijisay in Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay shalay xireen C/rashiid Xasan Cabdinuur Janan oo ahaa Wasiirkii Amniga Jubbaland.

Qoraal ay barteeda Twitterka ku soo qortay waxay ku caddeysay in C/rashiid Janan ku eedeysan yahay dambiyo culus.

“Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ayaa shalay ay taariikhdu ahayd 31/08/2019 soo xiray eedeeysane C/Rashiid Xassan Nuur ‘Janan’ kaasoo ku eedaysan dambiyo culus”ayay tiri Jen Zakiya.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Kiiska loo heysto C/rashiid Janan ay haatan baarayaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

C/rashiid Janan ayaa horay Xeer Ilaalinta u hartay ruqsad xarig ah, inkastoo warqad ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir bishii April lagu buriyay amarkii soo qabashada iyo horkeenid Maxkamadeed ee ka yaallay.

Mr Janan ayaa ka mid ahaa Wasiirada aadka ugu dhow Madaxweynaha Jubbaland, waxaana horay lagu soo eedeeyay dambiyo ku aadan dhanka bani’aadanimada sida rag maxaabiis ahaa oo lagu dilay sanadkii 2015 Saldhigga degmada Doolow.

Waa markii u horeysay ee Ciidamada Booliska Soomaaliya ay xiraan Wasiir ka tirsan dowlad goboleedyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here