Maxaa Ka Jira In Garoon Ku Yaalla Puntland Ay Ka Degtay Diyaarad Sida Hub?

0
478

Maxaa Ka Jira In Garoon Ku Yaalla Puntland Ay Ka Degtay Diyaarad Sida Hub?

Saacadihii ka soo dhaafay ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegaya in Garoonka diyaaradaha Magaalada Qardho ee dowlad Goboleedka Puntland laga dejiyay diyaarad sida hub badan.

Taliyaha Garoonka diyaaradaha Qardho Sharmaake Ismaaciil ayaa been abuur ku tilmaamay warar sheegaya diyaarad hub sida laga dejiyay  Garoonka,isla markaana waxaa uu sheegay in wararkaas ay faafiyeen dad aan rabin horumarka Qardho.

Sidoo kale Taliye Sharmaake ayaa waxaa uu sheegay in diyaaradaha ka soo dega Garoonka Qardho ay yihiin kuwo la ogyahay,waxaana uu dadka uga dhigay inay faafiyan wararka been abuurka ah.

Hadalka Taliyaha Garoonka diyaaradaha Qardho ee Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa,iyadoo saacadihii ka soo dhafay baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegayay in diyaarad hub sida ay ka degtay Garoonak diyaaradaha Magaaladaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here