Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Xariga Wasiirka Amniga Jubbaland

0
435

Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Xariga Wasiirka Amniga Jubbaland

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Soomaaliya ayaa shalay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku xiray Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Cabdi Xasan Cabdi Nuur Janan,xili uu Muqdisho Transit uga ahaa Magaalada Addis Ababa.

Xariga Wasiirka amniga Jubbaland ayaa waxaa ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabduqaadir Hilaal,waxaana uu sheegay in uu galay danbiyo kala duwan.

Sidoo kale Maxamuud Cabduqaadir Hilaal ayaa waxaa uu tilmaamay in Cabdirashiir Janan uu galay demiyo la xiriira xadgudub dhanka bani’aadannimada oo ka dhacay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo,halkaasoo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen.

War qoraal uu ku soo qoray Bartiisa Twitter-ka Wasiir ku-xigeenka Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku shaaciyay in Wasiirka amniga Jubbaland ay ku raad joogeen Booliska Caalamiga ah( Interpol) iyo Laanta danbi barista ee CID-da.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa kal horey laashay Go’aankii dacwada looga gudbiyay Wasiira amniga maamulka Jubbaland iyo amarkii lagu bixiyay la soo qabto,kadib warqad ka soo baxday Bishii April ee sanadkan Maxkamada Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here