Galmudug oo digniin u dirtay Odayaashii is diiwaan geliyay ee u tagay Al-Shabaab

0
643

Galmudug oo digniin u dirtay Odayaashii is diiwaan geliyay ee u tagay Al-Shabaab

Iyadoo dhowaan Al-Shabaab ay soo bandhigeen qeybtii u horeysay odayaasha iyo ergadii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka ee iska diiwaan geliyay xarumaha Al-Shabaab ayaa war ka soo baxay Taliska Booliska Gobolka Mudug ee Galmudug waxaa uu digniin loogu diray Odayaashaas.

Deegaanada Galmudug ayaa ka mid ahaa deegaanada ay ka tageen Odayaasha ee u hoggaansamay amarkii u yeeritaanka ee ka soo baxay Al-Shabaab.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa sheegay in tallaabo ay ka qaadayaan odayaashaas, isagoo xusay in odayaashii u tagay Al-Shabaab ay iyagana la mid yihiin.

Sidoo kale waxaa uu uga digay odayaasha ku nool deegaanada Galmudug inay qaataan amarada Al-Shabaab, cidii qaadatana aysan ku soo laaban karin deegaanada Galmudug.

Si kastaba Al-Shabaab ayaa todobaadkii la soo dhaafay waxaa ay soo bandigeen Odayaal ay sheegeen inay is diiwaan geliyeen, kuwaasoo ka kala tegay deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle, isla markaana hadda wixii ka dambeeya aysan waxyeeleyn doonin waa sida ay hadalka u dhigeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here