Ragga xaasaskooda ku fura 3 dalqadood oo muteysan doona 3 sanno oo xabsi ah
Baarlamaanka dalka Hindiya ayaa meel mariyay sharci cusub oo dambi ka dhigaya furiinka dumarka ee waafaqsan shareecada islaaamka.
Saddexda dalqadood ayaa seeyga siinaysa awood uu ku furo xaaskiisa si dhaqso leh, isaga oo afka ka dhahaha saddex kalmadood, ama xitaa qoraal ahaa ku gudbin kara.
Maxkamadda sare ee Hindiya ayaa sidoo kale sannadkii 2017-kii dalaaqda ku tilmaamtay mid ku xad gudbaysa dastuurka dalkaas.
Dadka taageersan sharcigan cusub ayaa sheegay in uu difaaci doono xuquuqda dumarka.
Dadka lagu helo in ay ku xad gudbeen sharcigan cusub ayaa muteysan doona saddex sanno oo xarig ah.
Xisbiga haya talada dalka Hindiya ee BJP ayaa taageeray sharcigan, halka xisbiga mucaaradka ugu weyn Hindiya Congress-ka ay ka hor yimaadeen.
- “Aabahay ayaa iga dilay saygaygii aan jeclaa”
- Jilaa caan ka ah Hindiya oo kufsi loo haysto
- Booliska Hindiya oo qabtay 6,000 oo didiin oo la xaday
Sharcigan ayaa ayaa waxaa u codeeyay 99 xildhibaan, halka ay diideen 84 xildhibaan markii la hor geeyay Aqalka Sare.
Ra’isulwasaare Narendra Modi ayaa markiiba bogaadiyay sharciga cusub, wuxuuna ku tilmaamay ‘guul usoo hoyatay sinnaanta jinsiga’.
Balse dadka qaar ayaa xisbiga BJP ku eedeeyay in ay bartilmaameedsanayaan dadka muslimiinka ah, iyada oo xildhibaanka lagu magacaabo Asadduddin Awaisi uu ku tilmaamay sharciga weerar ka dhan ah Islaamka.
Furiinka saddexda dalqadood ee islaamka ayaa ku xusan Qur’aanka Kariimka, waxayna ragga awood u siinaysaa in ay kala tagaan xaasaskooda.
Culumada Islaamka ayaa sharaxay in diinta ay si cad u qeexayso furiinka, tahayna in lammaanaha isa siiyaan muddo saddex bilood ah marka laga xisaabayo marka ay dhacdo dalqadda koowaad si waqti loogu helo in ay heshiin karaan.