Boris Johnson Oo Noqday Ra’isul Wasaaraha Cusub Ee Ingiriiska
Boris Johnson ayaa noqonaya ra’isul wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska kadib markii loo doortay hoggaamiyaha xibsiga Conservative –ka, waxaa la sheegayaa in cod bixin dhacday uu uga adkaaday Jeremy Hunt
Johnson ayaa xafiiska ra’isul wasaaraha la wareegi-doona galabta arbacada isaga oo badali-doona ra’isul wasaaraha is casishay ee Theresa May .
Sida uu Borotokoolku yahay, Johnson waxaa uu marka hore tagi-doonaa qasriga boqortooyada ee Buckingham si loo aqbalo kadib ayuu aadi-doonaa daarta ra’isul wasaaraha ee No 10.
Boris Johnson waxaa uu Soomaaliya yimid isaga oo ah wasiirka arrimaha dibadda bishii March 2017-kii, isaga oo la kulmay madaxda Soomaaliya.