Xaaladda Dhabta Ah Ee Xabsiga Lagu Xiro Basaasiinta Iyo Argagixisada Ee dalka Mareykanka

0
533

Xaaladda Dhabta Ah Ee Xabsiga Lagu Xiro Basaasiinta Iyo Argagixisada Ee dalka Mareykanka

Waxaa lagu tilmaamaa inay tahay xabsiga ugu ammaanka fiican Maraykanka iyo hoyga qaar ka mid ah dambiilayaasha ugu caansan dalkaasi.

Waxa kale oo ay u badan tahay in uu halkan ku xiran yahay Joaquin “El Chapo” Guzmán, oo ah hoggaamiyihii hore ee kooxda reer Mexico ee Sinaloa eek a ganacsata mukhaadaraadka, taasi oo loo aqoonsaday in ay yahay cadawga shacabka ee waddamada Mexico iyo Maraykanka.

Garsoore maxkamadeed oo ka hawlgala magaalada New York ayaa Guzmán ku xukuntay xabsi daa’in iyo soddon sano oo magac uyaal ah oo uu ku muteystay dambiyo ay ka mid yihiin in suuqyada Maraykanka uu soo geliyay mukhaadaraadka kookeynta, heroin iyo darooge kale, kala gudbinta lacagaha sharcidarrada ahi iyo falal dambiyeedyo la xiriira hubka.
Xeer-ilaaliyeyaashu waxay ku tilmaameen El Chapo in uu yahay “naxariis-laawe iyo dhiig cab ah” oo ay sheegeen in uu awood ku leeyahay dilka iyo rabshadaha ka dhanka ah kooxaha kale ee mukhaadaraadka kala gudbiya ee uu tartanka kala dhexeeyo.

El Chapo oo lagu tilmaamo hoggaamiyaha mukhaadaraadka isla markaana uu ka sarreeyo oo kaliya Pablo Escobar oo reer Colombia ah, ayaa laba jeer ka baxsadey xabsiyada aadka loo ilaaleeyo ee dalka Mexico, ka markii uu dhulka ka qoday god dheer oo uu ka baxay.

haseyeeshee haatan, haddii mas’uuliyiinta Maraykanku ay u suurtagasho sida ay rabaan, waxaa Guzmán ku adkaan doonto in mar saddexaad uu xabsiga ka baxsado.

Xabsiga weyn ee Mareykanka ee loo yaqaan ADX Florence oo loogu magac daray magaalada ugu dhow ama “Supermax”, ayaa ku yaal dhulka buuraleyda ahi ee koonfurta Colorado.

Xabsigan ayaa la aasaasay sanadkii 1994-tii, ilaa iyo xilligaasi ma jirin xitaa hal maxbuus oo halkaasi ka baxsaday.

Xabsiga waxaa loogu talagalay in lagu hayo dambiilayaasha ugu halista badan dalkaasi. El Chapo ayaa ku biiri doona dambiileyaasha kale ee uu ka midka yahay Ted Kaczynski, oo ah nin argagixiso Mareykan ah oo loo yaqaano Unabomber; Terry Nichols oo mas’uul ka ahaa qarixii Oklahoma ee sanadkii 1995 iyo Dzhokhar Tsarnaev oo isna mas’uul ka ahaa weerarkii Boston ee 2013.

ADX Florence waxa uu qaadi karaa 490maxaabiis rag ah waxa uuna qayb ka tahay dhisma weyn oo ay ku yaalliin laba xabsi oo kale oo ay maamusho dowladda dhexe ee Mareykanka.

Ku dhowaad dhammaan 376 maxaabiista ah ee ku jirta xabsigaasi oo dhowr ka mid ah ay xukuman yihiin cimri xarig, ayaa muddo 23 saacadood maalintiiba waxaa lagu hayaa qof waliba meel gooni ah oo uusan arkayn shakhsi kale.

“Dhammaan maxaabiistu waa kuwo maskaxiyan isku buuqsan. Balse maxbuuskani waxaa loola dhaqmay si ka baxsan bani’aadamnimada,” ayuu yiri Duncan Levin, oo ah qareen isla markaana ahaan jiray xeer ilaaliyihii hore ee dowladda Federaalka. “Waa mid ka mid ah goobaha ugu xun dunida. Waa meel ka maran wax kastaa oo xiriir la leh nolasha.”

Levin ayaa BBC News Brasil u sheegay in maxaabiistu ay xiriir aad u yar la leeyihiin ilaalada xabsiga ama xitaa iyaga dhexdooda si loo yareeyo fursadaha ay waxyeelada isugu geysan karaan.

“Waa xabsiga ugu ammaansan Caalamka. Waxaa si gaar ah loogu talagalay in lagu xiro dambiilayaasha ugu halista badan caalamka.”

Xabsigan ayaa leh gidaar adag oo shub ah iyo albaabbo adag oo bir ah oo leh duleel yar oo loo mariyo maxbuuska cuntada iyo dawada. ilaalada, dhakhaatiirta dhimirka iyo shaqaalaha kale ee xabsiga ayaa maxbuus kastaa ugu adeega gudaxa qolka uu ku xiran yahay.

Dhammaan qolalka ay maxaabiistu ku xiran yihiin ayaa waxay ku yaalliin isku dhinac, sidaasi darteed maxaabiista marnaba isma arki karaan xitaa marka uu albaabku u furan yahay. Maxaabiistu waxay iftiinka dabiiciga ahi ka helaan daaqado yar oo u oggolaanaya in ay arkaan gabal cirka ka mid ah oo kaliya.

Qolalka maxaabiistu ku xiran yihiin qaarkood waxaa ku rakiban raadiya ama shaashad ay kala socdaan barnaamijyo waxbarasho iyo kuwa diineed, iyo sidoo kale aflaan ay soo xuleen maamulka xabsiga oo maxbuusku uu ka daawado shaashadda.
‘Waa meel loogu tala galay in maskaxda looga dilo’
Maxaabiistu waxaa loo oggol yahay in ay ka baxaan xabsiga wakhtiyada booqashada iyo marka ay u baahdaan arrimo caafimaad oo aysan ku heli karin xabsiga gudahiisa.

Maxaabiista iyo dadka martida ah ee soo booqday waxaa la kala dhex dhigaa muraayad weyn waxa ayna ku wada hadlaan taleefoon iyaga oo muraayadda iska arkaya. Looma ogola in ay intarneedku farriimo ku dirsadaan ama loogu soo diro, waxaana loo ogol yahay ugu badnaan bishiiba saddex jeer oo min 15 daqiiqo ah oo taleefoon ah.

Nasiino waxaa loo oggol yahay saacad ama laba saac maalintiiba isniin ilaa jimca oo kaliya.

Maxaabiista qaar ayaa keligood loo kaxeeyaa qolka jimicsiga oo ku yaal gudaha xabsiga. Qolkaasi Jimicsiga ma lahan wax daaqad ah. Qaar kalena waxaa la geeyaa meel xabsiga ka baxsan oo bannaan ah balse ay ku wareegsan yihiin gidaarro shub ah, korna biro ka ah. Marka meeshaasi la geynayo waxaa sii kaxeeya ugu yaraan saddex ka mid ah ilaalada xabsigan. Kaba sii daran oo waxaa lagu ridaa qafis maxbuus kastaa u gaar ah.

Ugu badnaan shan maxbuus oo mid kastaa uu ku jiro qafis ayaa halkii mar loo ogol yahay in ay goobtaasi tagaan. Haseyeeshee marka ay halkaasi joogaan waxaa loo ogol yahay in ay is arkaan ama ay wada hadlaan.

Maxaabiista loo arko in ay aad halis u yihiin ayaa nasiino loo geeyaa meel gooni ah oo aysan qof kale arkayn.

Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Deborah Golden, oo ah qareen ka tirsan Xarunta Difaaca Xuquuqda Aadanaha oo dhowr jeer booqday xabsiga ADX Florence, ayaa sheegaya in farqiga ugu wayn ee u dhaxeeya xabsigan iyo xabsiyada kale ay tahay xaqiiqada ah in dadka maxaabiista ahi ee xabsigan ku jira, qofkiiba lagu xiro qol gooni ah oo gebi ahaanba uusan arkayn qof kale oo bani’aadam ah.

“Xabsiyada caadiga ahi, inkasta oo ay yihiin meelo aad loo ilaaliyo, haddana maxaabiistu waa ay ka bixi karaan qofka ay ku xiran yihiin, waa ay socon karaa oo xitaa waxa ay ka qayb qaataan hawlaha caadiga ahi. Balse xabsigan Supermax aad ayuu uga duwan yahay xabsiyada kale. Xiriir bani’aadanimo oo aad u yar ayaa halkan ka jira” ayuu Golden u sheegay BBC News Brasil.

Paul Wright, oo ah agaasimaha fulinta ee Xarunta Difaaca Xuquuqda Aadanaha ayaa isna sidaasi ku raacsan Golden.

Maxaabiista halista ah
Xaaladdani ayaa ah mid loogu tala maxaabiista dambiilayaasha ahi ugu caansan caansan Mareykanka.

Ted Kaczynski oo loo yaqaan Unabomber, oo ahaan jiray mutacallim ku takhasusay xisaabta oo qaraxyo uu geystay sanaddadii 1978 iyo 1995 ay ku saddex qof, kuna dhaawacmeen in ka badan 20 qof oo kale ayaa hadda waxa uu xabsigaasi ku qaadanayaa xabsi daa’in lagu xukumay.

Terry Nichols oo isna xabsi daa’in ku muteystay weerarkii loo adeegsaday baabuurta walxaha qarxa laga soo buuxiyay ee Oklahoma ee 1995 isla markaana galaaftay nolasha 168 qof ayaa isna halkan ku xiran.

Robert Hanssen oo hore u ahaan jiray xubin ka tirsan FBI-da oo u basaasayay midowgii Soofiyeed iyo Ruushka intii u dhaxaysay 1979-kii iyo 2001-dii ayaa isna xabsi daa’in ku ah halkan.

Dzhokhar Tsarnaev oo ah ninkii geystay weerarkii Boston ayaa isna halkan ku sugaya dil toogasho ah.

Maxaabiista kale ee caanka ah ee ku xiran xabsigan Supermax waxaa ka mid ah Zacarias Moussaoui oo xubin ka ahaa ururka Al-Qaacida oo gacan ka geystay qorshaynta weerarradii 11-kii Sebteembar sabandkii 2001 lagu qaaday Mareykanka; Ramzi Yuusuf oo mas’uul ka ah qarxinta xarunta ganacsiga adduunka sanadkii 1993 iyo Eric Rudolph oo ah ninkii soo maleegay weerarro dhawr ah oo dhacay sanadkii 1996, xilligaasi oo ay socdeen ciyaaraha olmbikada.

Sidoo kale xabsigan ADX Florence waxaa ku xiran Richard Reid, oo sanadkii 2001 isku dayay in uu qarxiyo diyaarad Mareykanka laga leeyahay, xilligaasi oo bambo uu ku soo qariyay kabahiisa iyo Cumar Faaruuk Cabdulmutallib oo sanadkii 2009 isku dayay in bambo uu ku soo qariyay nigiskii uu xirnaa ku qarxiyo diyaarad.

Abuu Xamza Al-Misri oo ah imaamkii hore ee masjidka Finsbury Park ee London ayaa ah maxbuus kale oo halkan ku xiran. Markii hore wuxuu ahaan jiray wadaad aad u mayal adag oo ku nool dalka UK balse markii dambe ayaa loo gacan geliyay Mareykanka, halkaa oo lagu xukumay xabsi daa’in sababo la xiriira argagixisnimo.

Wuxuu aad uga cawday xaaladda xabsigaasi, waxaana qareenkiisa uu sheegayaa in mar dhow lagu soo celin doono dalka Britain oo uu xukunkaasi ku dhameysan doono.
Laakiin warbxin uu sanadkii 2018 soo saartay guddiga degamada Columbia u qaabilsan macluumaadka xabsiyada ee magaciisa loo soo gaabiyo CIC, ayaa lagu sheegay in inta badan maxaabiista lagu hayo xaruntani ADX Florence aan loo dhaadhicin xabsiyada isla marka xukunka lagu rido.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in 90% maxaabiistaasi la geeyo halkaasi ka dib marka ay ku kacaan falal anshax xumo ah, sida isku day in ay baxsadaan xabsiyada kale ee ay ku jiraan ama weeraraan ilaalada xabsiga iyo maxaabiista kale.

Dhowr ka mid ah maxaabiistani waxay la xanuunsan yihiin cudurrada maskaxda, waxaana xaaladda uga sii daraya meelaha gooni goonida ah ee ay ku xiran yihiin sida ay ku doodayaan dadka dhaliilsan xaaladda xabsigan.

Xabsigan ayaa lagu tilmaamaa meesha ugu mugdiga badan caalamka maadaama dadkani maxaabiista ahi ay ku nool yihiin xaalad go’doon ah oo aan loo ogolayn in ay dad kale arkaan.

Source Bbc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here