Wararkii ugu dambeeyay ee xiisad ka dhex taagan dalalka Iran iyo Britain
Xiisad ka dhalatay markab la sheegay in ciidamada Iran ku qabsadeen marinka Hormuz ayaa meel sare gaartay kadib markii dowlada Britain ay ku eedeysay dowlada Iran in markab labaad ay qabsatay.
Dowlada Britain ayaa ku hanjabtay in cawaaqib xun ay kala kulmi doonto haddii aysan dowlada Iran si dhaqso ah u soo celin labada markab ay qabsatay.
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay in ay qabsadeen markab ku safraya calanka Britain laguna magacaabo Stena Impero kadib labo toddobaad ay ciidamada badda Britain ay ku qabteen markab shidaalka qaada gacanka Gibraltar.
Wakaalada wararka ee Tasnim ee la mid ah wakaalada wararka rasmiga ah ee dalka Iran ayaa sheegtay in markabka labaad ee Mesdar aysan ciidamada ilaaladu qaban balse loo diiday in safarkiisa uu sii wato sababo la xiriira amaanka deegaanka uu markabku ku safrayay.
Hay’ada Maraykanka u qaabilsan gaadiidka badaha ayaa soo saartay digniin maraakiibta maraysa gacanka Hormuz iyadoo xiisadu cirka isku sii shareereyso.
Digniintan ayaa lagu sheegay in Iran ay halis ku tahay Maraykanka iyo weliba maraakiibta caalamka ee araya gacanka Hormuz, the Persian Gulf, Strait of Hormuz, Gulf of Oman, Arabian Sea iyo Red Sea.
Wasiirka Arrimaha Dibada Iran Javad Zarif ayaa u sheegey dhigiisa dalka Britain Jeremy Hunt in talaabada ay qaadeen ay tahay mid ah tii labo toddobaad kahor ay Britain qaaday.
Madaxda dalka Britain ayaa qabanaya kulamo is dabajoog ah iyadoo kulankii labaad ee loogaga hadlayay amniga la qabtay 24 saac gudahood,waxaana loogaga hadlay qabsashada markabka shidaalka qaada ee gacanka Hormuz sida ay afhayeenka xafiiska ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Downing Street.
Kala soco jowhar.com wararka ku soo kordha arrimaha Britain iyo Iran