Militariga iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka Suudaan oo heshiis wada gaaray
Golaha sare ee militariga Suudaan iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa kala saxiixday heshiis awood qeybsi ah.
Waxay arrintani ka dambeysay kaddib markii tan iyo xalay ay socdeen wadahadallo ku saabsan heshiska.
“Waa heshiis taariikhii ah” ayuu yiri Ku-xigeenka golaha sare ee militariga Suudaan,Maxamed Xamddan, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.
Heshiiska ayaa waxaa ku xusan sameynta dowlad rayid ah.
Militariga Suudaan ayaa awoodda la wareegay bishii April markii xukunka laga tuuray madaxweynihii dalkaas Cumar Xasan Al Bashiir.