Weerar ismiidaamin oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

0
512

Weerar ismiidaamin oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay sheegayaan in hal qof oo keliya uu ku dhintay qaraxaasi, halka shan kalena ay ku dhaawacantay.

Ninka dhintay ayaa waxaa la sheegay in uu yahay ninkii qaraxaasi gaystay, dadka dhaawacmayna ay kala yihiin haweeneydii maqaaxida laheyd, saddex carruur ah ay dhashay iyo qof maqaaxida shaah ka cabaayay.

Goobjooge magaciisa ka gaabsaday ayaa Universaltv sidaan u sheegay “Waxaan arkay dhaawacyada shan qof oo kala ah maamadii maqaaxida laheyd, saddex carruur ah ay dhashay iyo wiil kale oo maqaaxida ka shaahaayay. Dhimashada waxaan arkay waa hal nin, waana ninkii is qarxiyay.”

Ciidamada Galmudug ayaa waxay wadaan baaritaano ballaaran oo ay ku doonayaan in ay ku xaqiijiyaan heybta ninkii is qarxiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here