Dawlada Tunisia oo mamnuucday xirashada niqaabka

0
493

Dawlada Tunisia oo mamnuucday xirashada niqaabka

Ra’iisal Wasaaraha Tunisia Youssef Chahed ayaa xafiisyada dawladda ka mamnuucday xirashada niqaabka kaas oo daboola wajiga oo idil marka laga reebo indhaha, sababo dhanka ammaanka ah.

Amarkan ayaa soo baxay kaddib markii toddobaad gudihiis ay saddex weerar oo ismiidaamin ah ay ka dhaceen magaalada caasimadda ah ee Tunis.

Kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa xukuumadda ugu baaqay in ay mamnuucista ka dhigto mid ku meel gaar ah.

Indho shareerka ayaa waxaa xirta qaar ka mid ah haweenka muslimiinta ah oo u arko in uu yahay dhar xishoodka ka tarjumaya iyo in uu yahay calaamad diineed.

Hoggaamiyihii mudda dheer xukumayey dalka Tunisia Zine al-Abidine Ben Ali ayaa niqaabka iyo xijaabka ka mamnuucay dhismeyaasha dawladda, balse waxay dib ugu soo laabteen markii xilka laga tuuray sannadkii 2011-kii.

Xafiiska Mr Chahed ayaa Jimcihii soo saaray wareegto “lagu mamnuucayo in hay’adaha dawladda uusan soo galin qof kasta oo wajigiisu daboolan yahay … sababo la xidhiidha ammaanka”.

Jamel Msallem, oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa xukuumadda ka codsaday in tallaabadaasi ay ahaato mid ku meel gaadh ah.

“Xor ayaan u nahay waxa aan xiranayno, balse maanta marka la eego xaaladda taagan iyo khatarta argagixisada ay ku hayso Tunisia iyo gobolkaba waa loo cudur daari karaa go’aankan” ayuu Mr Msallem u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Waxa uu xukuumadda ka codsaday in ay go’aan kaas ka laabato mar allaale markii ay “xaaladda ammaanka ee Tunisia ay caadi ku soo noqoto”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here