Ciidanka Puntland oo sheegay inay bur buriyeen Saldhigyo Shabaab raashinka iyo hubka ku kaydsan jireen
Ciidanka Puntland ee PSF ayaa sheegay inay bur buriyeen Saldhigyo Al Shabaab ku lahaayeen deegaano ka tirsan Gobolka Bari.
Hawlgal Ciidamada ay fuliyeen ayaa lagu sheegay in lagu beegsaday Saldhigyo Shabaab ay ku kaydsan jireen raashinka & hubka, kuwaasi oo ku yaalla Buuraha Galgala.
Qoraal ka soo baxay Ciidanka PSF Puntland ayaa lagu sheegay sidan.
“Ciidanka PSF waxay gubeen godad ay Al Shabaab ku kaydsan jireen hubka iyo raashinka isla mar ahaantana ciidanku waxay burburiyeen saldhigyo dhuumaalaysi oo Al Shabaab ku lahaayeen Buuraleyda Cal Madow” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale, PSF ayaa sheegay in ay wadada isku xirta Galgala iyo tuulada Madarshoon ka saareen, miinooyin ay halkaasi ku aaseen malayshiyaadka Al-shabaab.
“Intii hawlgalkani socday ciidanka PSF waxay ku guulaysteen in ka saaraan waddada isku xirta Galgala iyo Madarshoon miinooyin ay ku aaseen halkaas Al Shabaab.”