Donald Trump Oo Warqad Cajiib Ah U Diray Madaxweyne Kim Jong-Un
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa warqad “cajiib ah” ka helay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Kim Jong-un ayaa amaanay warqadda waxaana uu sheegay in uu “si weyn uga fikirayo waxyaabaha xiisaha leh”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee KCNA.
Waxa uu sidoo kale amaanay Mr Trump “dhiira gelin weyn”. Wax faahfaahin ah oo ku saabsan qoraalka weli lama shaacinin.
Aqalka Cad ayaa warqadda ku xaqiijiyay fariin ay u direen Wakaaladda wararka ee Reuters.
“Warqad ayuu diray Madaxweyne Trump iyada oo labada hoggaamiye ay dhexmartay fariimaha qoraalka marar badan,” ayay tiri afhayeenka Sarah Sanders.
Horaantii bishan, Mr Trump ayaa sheegay in warqad qurux badan uu ka helay hoggaaminaya Kuuriyada waqooyiga.
Wadahadalada u dhaxeeyay Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa horseeday kulan labada hoggaamiye ku dhexnaray Vietnam bishii February.
Warqadaan ayaa ah hormar weeyn tan iyo inta uu istaagey wada hadaladii u dhaxeeyey labada dal .Sida uu sheegay wariyaha BBC-da Laura Bicker.
Maraykanka ayaa ku adkeeystey kuuriyada Waqooyi ay ka tanaasulaan barnaamijkooda Nukliyeerka halka Pyongyang ay dooneeyso in cunaqabateynta laga khafiifiyo.
Si kastaba ha noqotee bilihii ugu dambeeyay Mr Trump ayaa si diirran ula hadlayey Mr Kim.