Hal Askari oo ku geeriyooday Iska hor imaad Ciidamo Militari ku dhexmaray Xaafadda Xoosh

0
532

Hal Askari oo ku geeriyooday Iska hor imaad Ciidamo Militari ku dhexmaray Xaafadda Xoosh

Ciidamo ka wada tirsan Militariga dowladda Federalka Somaliya ayaa wuxuu iska hor imaad ku dhexmaray Xaafadda Xoosh ee Degmada Dharkiinley, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Iska hor imaadka ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidan degan Xaafadda Xoosh oo Militari ah weerar ay ku soo qaadeen ciidan kale oo gaari Cabdi bile ah watay, kadibna halkaasi labada Ciidan ay isku rasaaseeyeen.

Wararka waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka dhalatay geerida hal askari oo ka tirsan Ciidamada Militariga Somaliya, halka sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo soo gaaray Ciidankii dagaalamay.

Illaa hadda ma cadda waxyaabaha ay isku haystaan Ciidankaan dagaalamay ee Askariga iska dilay, iyadoo ay tahay Bil Ramadaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya Ciidamada dagaalamay Koox ka mid ah inay hoostagaan Sarkaal lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne oo Militariga ka tirsan, halka Ciidanka kale uu watay Sarkaal isna magaciisa lagu soo koobay Siidii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here