Boqorka Sacuudi oo Amiirka Qatar ku martiqaaday Shir ka dhacaya magaalada Makkah

0
490

Boqorka Sacuudi oo Amiirka Qatar ku martiqaaday Shir ka dhacaya magaalada Makkah

Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa ku martiqaaday Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani Shirka degdeg ah oo Golaha Iskaashiga Khaliijka ku yeelan doonaan 30-ka bishan magaalada barakeysan ee Makkah Al-Mukarama.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Qatar ayaa shaacisay in Amiirka Qatar uu soo gaaray warqad casuumqaad ah oo kaga timid Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheikh Mohamed Bin Abdulrahman Al Thani ayaa guddoomay farriinta martiqaadka, taasoo uu keenay Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Khaliijka Abdulatif Bin Rashid Al Zayani oo ku sugan magaalada Doha.

Shirka degdega ee ka dhacaya magaalada Makkah Al-Mukarama ayaa isugu jira labo qeybood oo kala ah shirka Hoggaamiyeyaasha Carabta iyo kuwa dalalka Khaliijka, kaasoo looga hadlayo weeraro Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ay weerareen maraakiib shidaal ah iyo dhuumaha shidaalka

Bishii June ee sanadkii 2017 Sacuudi Carabiya, Egypt, Bahrain iyo Imaaraadka Carabta ayaa xiriirka u jaray Qatar, iyagoo ku soo rogay cunaqabateyn dhulka, Badda iyo cirka, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagixisada, inkastoo Qatar ay beenisay eedeymahas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here