Google oo ka joojisay qaar ka mid ah adeegyadeedii Shirkadda Huawei

0
559

Google oo ka joojisay qaar ka mid ah adeegyadeedii Shirkadda Huawei

Shirkadda Google gaar ahaan qeybta Alphabet ayaa sheegtay inay joojineyso qaar ka mid ah adeegyadii ay la wadaagi jirtey shirkadda isgaarsiinta ee Huawei, taasoo ku ah dharbaaxo culus shirkadda Huawei ee xarunteedu tahay dalka Shiinaha.


Dowlada Maraykanka ayaa dooneysa in cunoqabatayn la saaro shirkadda Huawei, hase yeeshee adeegyada laga joojiyay ayaan saameyn ku yeelan doonin Google Apps sida uu sheegay afhayeenka Google.

“Waxaan u hogaansanaaneynaa amarada iyadoo aan dib u eegi doono saameynta ay yeelan doonaan.” ayuu sii raaciyay afhayeenka Google.

Go’aanadan cusub ayaa waxaa ay dib u dhac u keenayaan ganacsiga Huawei iyadoo macaamiisha shirkadan ay weynayaan adeegyo badan halka mustaqbalkana laga yaabo in mobaylada smartphoneska ee Huawei aysan awood u yeelan doonin adeega Google Play Store,Gmail iyo YouTube.

Maamulka Trump ayaa ku daray Khamiistii aynu ka soo gudubnay shirkadda Huwaei Liiska Madow waxayna arrintan ku soo beegmaysaa xilli loo ballansan yahay berri oo ah 21ka bisha May in shirkadda Huwaei ku soo bandhigto mobaylo cusub magaalada London.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here