Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Sharciga Batroolka

0
801

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Sharciga Batroolka

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goor dhow ansixiyay Sharciga Batroolka oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen.

Sharcigan oo ay soo gudbiyeen Golaha Wasiirada ayaa ka mid ahaa sharciyada ugu muhiimsan ee ay aad u daneyneysay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre.

154 Xildhibaan oo soo xaadiray kulankii maanta ayaa waxaa cod gacan taag ah ku ogolaaday 150 Xildhibaan, halka 4 Xildhibaan ay diideen.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa socday olole ay waday Xukuumadda oo ahaa sidii sharcigan loo ansixin lahaa.

Shirkii natiijo la’aanta ku dhamaaday ee dhowaan ka dhacay magaalada Garowe ayaa qodobadii ay isku mari waayeen Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada ka mid ahaa arrimaha Batroolka.

Ansixinta Sharcigan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo bisha November ee sanadkan la filayo in la bilaabo bixinta Blocks goobaha shidaalka laga sahmiyay oo Shirkadaha Shidaalka ay iibsan doonaan, si ay u bilaabaan shidaal baarista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here