DAAWO : Wakhtiga Uu Furmaayo Shirka Beelaha Garxajis Iyo Habar-Jeclo Oo La Shaaciyey

0
886

DAAWO : Wakhtiga Uu Furmaayo Shirka Beelaha Garxajis Iyo Habar-Jeclo Oo La Shaaciyey

Hargeysa (Dalmar-News):- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa waxaa uu markii ugu horeysay uu shaaciyey in beesha Habar Jeclo ay gogol u fidisay beesha Garxaajis oo dhawaan ay shir gaar ah  yeelan doonan .

Shirkan u furmaya beelaha Garxaajis iyo Habar-Jeclo ayaa waxaa uu ka dhici doonaa Bacda Ramadaan magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer

Boqorka ayaa sababta uu shirkani u yimid ku sheegay   in dib u  habeyn lagu sameyn doono siyaasadii beesha Habar Jeclo

“ Waxaanu dooneynaa ka beel ahaan in aanu dib u habeyn ku sameyno siyaasadii Beesha Habar Jeclo , isla markaana aanu xalano cid kasta oo ay siyaasadu na kala fogeysay  , markaas shirkaasi wuu jiraa oo beelaha Garxajis gogol ayaanu u dhignay waxaana Bacda ramadaan uu shirkaasi ka dhici doonaa magaalada Burco..” ayuu yidhi Boqor Buurmadow

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here