Gabadh isdishay ka dib markii ay tageerayaasheeda Instagram-ka ku dhiirrigeliyeen

0
790

Gabadh isdishay ka dib markii ay tageerayaasheeda Instagram-ka ku dhiirrigeliyeen

Gabadh 16 sano jir ah ayaa isku dishay dalka Malaysia kadib markii 69% oo ka mid ah tageerayaasheeda barta Instagram-ka ay ku dhiirageliyeen inay isdisho.

Booliska Gobolka Sarawak ee Bariga Malaysia ayaa sheegay in gabadha, oo aanan magaceeda la shaacinin ay farriin iyo sawir dhigtay barta Instagram-ka, kaasoo ay ku qortay oraahda ah: “Aad ayey muhiim u tahay inaad ii kala doortaan inaan noolaado ama aan isdilo”,.

Markaas kadib taageerayasheeda ayaa u batay dhanka ah “inay isdisho”.

Qareen u hadlay ayaa sheegay in dadka ka qeyb qaatay codayntan ay ku dhiirrigeliyeen inay isdisho ayna mas’uul ka yihiin dhimashadeeda.

Ramkarpal Singh, oo ah qareen iyo xubin ka tirsan baarlamaanka Malaysia ayaa yidhi: “Gabadha miyey soo nolaan lahayd haddii taageerayaasha ay ka niyad jabin lahaayeen inay isdisho?

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dalkaas, Syed Saddiq Syed Abdul Rahman, ayaa sheegay in musiibadan ay caddeynayso heerka uu dalka marayo marka la eego xanuunada dhimirka.

“Waxaan ka walaacsanahay heerka uu gaaray xanuunada dhimirka, waa musiibo qaran waxaana loo baahanyahay in laga hortago”, ayuu yidhi.

Bishii Febraayo ayaa barta Instagram-ka waxay ku dhawaaqday inay hirgelin doonto aalad qarin doonta sawirra noocaas ah.

Tillaabadan ayaa timid kadib markii gabadh u dhalatay dalka Ingiriiska oo lagu aflagaadeeyey ay isdishay.

Ching Yee Wong, oo ah madaxa warfaafinta ee barta Instagram ayaa sheegay yidhi: “Samir iyo imaan Allaha siiyo qoyska iyo qaraabada ay gabadha yar ka dhimatay.”

“Masuuliyad weyn ayaa naga saaran in dadka isticmaala barteenna ay dareemaan farxad iyo ammaan. Waxaan qof walba ku dhiirrigelinaynaa inuu isticmaalo aaladaha dacwadda ayna la soo xirriiran addeegyada deg dega ah haddii ay arkaan wax khatar gelinayo nabad galyada dadka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here