Puntland oo amar ka soo saartay Shaqaalaha Ajnabiga ah ee deegaanadeeda ka howlgala

0
634

Puntland oo amar ka soo saartay Shaqaalaha Ajnabiga ah ee deegaanadeeda ka howlgala

Wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha maamulka Puntland, ayaa soo saartay digreeto ay uga manuuceyso hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee deegaanadooda ka howlgala in aysan keensan karin shaqaale ajnabi ah oo aan ogolaansho looga heysan Wasaaradda.

Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Axmed Maxamuud Cabdalle (Tigaana), ayaa sheegay in mas’uuliyiinta hay’adaha ay fariinta quseyso laga doonayo in xogta shaqaalahooda oo faahfaahsann ay ku soo gudbiyaan mudda bil ah.

Ujeedka arintan ay ka leeyihiin ayuu ku sheegay iney tahay sidii loo kala xadeyn lahaa waajibaadka kala saaran loo shaqeeyaha iyo shaqaalahaba, si ay u iman arrimo is qab qabsi keeni kara.

Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Axmed Maxamuud Cabdalle (Tigaana) oo ku saxiixan warqada ka soo baxday maamulka Puntland, ayaa sheegay in Wasaaradooda ay il gaar ah ku heyso shaqa la’aanta baahsan ee heysata dhalinyarada ka baxday Jaamacadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here