Erdogan oo furay masaajidka Tukiga ugu weyn oo Istanbul laga dhisay.

0
827

Erdogan oo furay masaajidka Tukiga ugu weyn oo Istanbul laga dhisay.

Madaxweynaha Turkiga Racip Tayip Erdogan ayaa xarigga ka jaray masaajidka ugu weyn dalka Trukiga oo Istanbul laga dhisay.

Masaajidka weyn ee Camlica oo laga dhisay magaalada Istaanbuul oo uu madaxweynaha Erdogan xarigga ka jaray dhismahiisa waxaa la billaawday 2013-kii.

Dhismaha masaajidka weyn oo ay ku kacday lacag dhan 150 milyan oo Liiraha Turkiga oo u dhiganta ($66.5 milyan oo doolar).

Masaajidka weyn ee CamlicaLahaanshaha sawirkaANDALOU
Image captionMasaajidka weyn ee Camlica

Naqshadda masaajidka ayaa si weyn looga dareemayaa farshaxanka Cuthmaaniyiinta iyo farsamooyinka casriga ah ee hadda dunida laga isticmaalo.

Guudaha masaajidka weyn ee CamlicaLahaanshaha sawirkaANDALOU
Image captionGuudaha masaajidka weyn ee Camlica

Masaajidka waxaa halki mar ku dukan kara 63,000 oo qof, halka masaajidki hore ee Turkiga ugu weynaa ee Sabanci Central Mosque oo 1998-kii laga dhisay laga dhisay isla magaalada Istaanbuul uu awood u lahaa iney halki mar ku dukadaan 28,500 oo qof oo keli ah.

'Sabanci Central Mosque'Lahaanshaha sawirkaANADOLU AGENCY
Image captionMasaajidki hore ee ugu weynaa Turkiga ‘Sabanci Central Mosque’

Masaajidka cusub ee ugu weyn Turkiga waxaa laga dhisay daanta qaaradda Aasiya ee magaalada Istanbuul, iyada oo dhisamaha masaajidka uu soo socday muddo 6 sana ah.

Madaxweyne Erdogan oo munaasabadda xarigga looga jarayey masaajidka khudabad ka soo jeediyey ayaa wuxuu cambaareeyey weerarrada loo geysta muslimiinta masaajidda ku cibaadeysta.

Furitaanka masaajidka Camlica khudabad ka jeedinayaLahaanshaha sawirkaANDALOU
Image captionMadaxweynaha Turkiga Raccip Tayip Erdogan

“Weerarrada magac diineed looga fuliyo goobaha ay dadka diimaha kale aaminsan ku cibaadeystaan ay tahay fal argagixisanimo oo aan wax xiriir ah la lahayn jihaad.” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

“Dadka masaajidda weerara ama kuwa kaniisadaha weerara labaduba waxay wadaagaan maskax aad u qarriban, waxayna labaduba cadow ku yihiin bani aadaminimada” ayuuna sii raaciyey Mr Erdogan.

Masaajidka weyn ee CamlicaLahaanshaha sawirkaANDALOU
Image captionMasaajidka weyn ee Camlica

Masaajidka cusub ee Camlica oo ugu weyn Turkiga lagana dhisay magaalada Istaanbuul wuxuu leeyahay Lix minaaradood oo u taagan Lixda tiir uu islaamku ku taagan yahay.

Dhismaha masaajidka waxa qayb ka ah Madxaf looga talagalay in lagu keydiyo laguna soo bandhigo taariikhda iyo ilbaxnimada Islaamka uu dunida ku soo kordhiyey, hoolal shirarka looga tala galay iyo goob gawaarida la dhigto.

Xafladda Masaajidka weyn ee Camlica lagu furayeyLahaanshaha sawirkaANDALOU
Image captionXafladda Masaajidka weyn ee Camlica lagu furayey

Munaasabadda xarigga looga jarayey masaajidka ugu weyn dalka Turkiga waxaa ka soo qayb galay martisharaf daafaha caalamka ka kala socotay oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha Albaniya Ilir Meta, Madaxweynaha Guinea Alpha Conde, Madaxweynaha Senegal Macky Sall, Ra’isal wasaaraha Falastiin Mohammad Shtayyeh iyo martisharaf kale.

Xafladda Masaajidka weyn ee Camlica lagu furayeyLahaanshaha sawirkaANDALOU
Image captionMasaajidka weyn ee Camlica ee Turkiga laga sdhisay oo xarigga laga jaray

Naqshadda Masaajidka Camlica waxaa sameeyey laba gabdhood oo waaya aragnimo u leh naqshadeeyta dhismayaasha oo la kala yirahdo Bahar Mızrak iyo Hayriye Gül Totu.

Dhismaha masaajidkan weyn wuxuu qayb ka yahay mashaariicda waaweyn ee ay xukumadda Turkiga ay caalamka ku tuseyso awoodda dhaqaale uu weli Turkigu leeyahay iyo sida uu xisbiga AK ee talada dalkaasi haya uu hoggaaminta dalka ugu guuleystay.

Masaajidka weyn ee Camlica oo laga dhisay IstanbulLahaanshaha sawirkaANDALOU
Image captionMasaajidka weyn ee Camlica oo laga dhisay Istanbul

Ziya Meyal oo ka faallooda arrimaha Turkiga wuxuu dhismaha masaajidka uu ku tilmaamay “Mid Turkiga uu kor ugu qaaadayo dibloomaasiyadda dhinaca dhaqanka isla-markaana uu Turkiga isaga gadayo caalamka intiisa kale.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here