Maamulka Trump: oo ku howlan ku tilmaamida Ikhwaanul Muslimiin urur argagixiso

0
798

Maamulka Trump: oo ku howlan ku tilmaamida Ikhwaanul Muslimiin urur argagixiso

Maamulka madaxweyne Trump ayaa ku howlan inuu ku tilmaamo jamaacada Ikhwaanul Muslimiin inay tahay urur argagixiso oo shisheeye, sida laga soo xigtay Aqalka Cad ee Mareykanka maalinkii shalay.

Ku tilmaamida urur argagixiso xarakadan ayaa sababi doonto xayiraado dhanka dhaqaalaha iyo safarka ah oo ku timaado dhaqdhaqaaqa ugu qadiimsan dalka Masar, iyadoo ay ka mid yihiin in ka badan hal milyan oo xubnood oo ku suga guud ahaan Bariga Dhexe.

Go’aankan ayaa kusoo beegamaya kaddib markii uu madaxweyne Cabdul Fatax Al-Sisi uu booqday bishii April Aqalka Cad.

Dalalkii uu horay ee u soo maray sida Imaaraadka iyo Masar ayaa aad looga soo dhaweeyay

Mr Sisi ayaa weydiistay madaxweyne Donald Trump inuu ku dhaqaaqo tallaabdan sida ay baahisay warbaahinta Mareykanka.

Maalintii Talaadada, afhayeenka Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa xaqiijisay in maamulka Trump nuu ku dedaalayo in tallaabadaasi lagu dhaqaaqo.

“Madaxweynaha ayaa la tashaday kooxdiisa ammniga qaranka iyo hoggaamiyeyaasha gobolka ee arrintaan ay ka mideysan yihiin, tallaabadan ayaana meel fiican mareysa,” ayay ku sheegtay Ms Sanders bayaan ay soo saartay.

2013 Sisi oo hogaaminayay milatariga ayaa afgambiyay madaxweynihi xiligaas Maxamed MursiLahaanshaha sawirkaSPENCER PLATT/GETTY
Image caption2013 Sisi oo hogaaminayay milatariga ayaa afgambiyay madaxweynihi xiligaas Maxamed Mursi

Maamulka Trump ayaa amray marka hore saraakiisha iyo diblomaaisyiinta inay soo helaan qaab cunaqabateyno loogu soo rogo xarakada Ikhwaanul Muslimiin, kaddib markii kulan uu dhexmaray Mr Trump iyo Mr Sisi 09 bisha April, sida ay qortay warbaahinta US.

Xukuumadda Masar ayaa durbaba ku tilmaameyso xarakada Ikhwaanul Muslimiin inay tahay argagixso.

Mr Sisi ayaa xilka ka tuuray madaxweyne Maxamed Mursi sanadkii 2013, maadaama ururkaasi uu horey hoggaamiye uga soo noqday.

Isla marka uu Mareykanku ku dhawaaqay tallaabada ka dhanka ah xarakada Ikhwaanul Muslimiin, cunaqabateynaha lagu soo rogi doono shirkadaha iyo shaqsiyaadka la tacaamula kooxdan ayaa hirgeli doonto.

Go’aanka ayaa sababay khilaaf soo kala dhexgalay saraakiisha Aqalka Cad iyo shaqaalaha wasaaradda Gaashaandhiga ee Pentagon, sida laga soo xigtay News York Times.

Xarakada Ikhwaanul Muslimiin waxaa aasaasay Sheekh Xasan Al-Banna sanadkii 1928, waxayna saameyn ku yeelatay ururada Islaamiyiinta ee guud ahaan caalamka ka jira, iyadoo afkaarteeda siyaasadeed ay la socoto barnaamijyada samafalka ee Islaamiga ah.

Xarakada ayaa markii hore ujeedkeedu ahaa inay faafiso qiyamka Islaamka iyo acmaasha wanaagsan, balse si degdeg ah ayay ugu lug yeelatay siyaasadda, gaar ahaan dagaalkii Masar looga sifeynayay gumeystihii Britain iyo ka baabi’intii dalkaasi faragelintii reer galbeedka.

Baarlamaanka Masar ayaa dhawaan ansixiyay isbeddel lagu sameeyay dastuurka oo u ogolaanaya Mr Sisi inuu xukunkisa sii hayo ilaa 2030Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionBaarlamaanka Masar ayaa dhawaan ansixiyay isbeddel lagu sameeyay dastuurka oo u ogolaanaya Mr Sisi inuu xukunkisa sii hayo ilaa 2030

Doorashooyinkii ugu horreeyay ee baarlamaani ah oo la qabtay markii xilka uu ka degay madaxweyne Xusni Mubaarak bishii Febraayo sanadkii 2011, ayaa xisbiga siyaasaddu la midoobay xarakada Ikhwaanul Muslimiin, halkaasi oo ay ku qabsadeen xukunka, iyagoo ku guuleystay ku dhawaad kala bar kuraasta baaralamaanka Masar.

Tan iyo markii Mohamed Mursi xilka laga tuuray, kummnaan qof oo xubna ka ahaa xararkada Ikhwaanul Muslimiin ayaa la xirxiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here