Ururka IGAD Oo Soo Dhaweeyey Aqoonsiga Dowladda Belgium Ee Baasabooradda Diplomaasiyiinta Ee Somalia

0
590

Ururka IGAD Oo Soo Dhaweeyey Aqoonsiga Dowladda Belgium Ee Baasabooradda Diplomaasiyiinta Ee Somalia

Urur-gobaleedka IGAD waxay shalay soo saareen Qoraal ay ku soo dhaweynayaan go’aankii ay Dowladda Belgium ku aqoonsatay Baasabooradda Diplomaasiyiinta iyo Shaqaalaha ee Somalia.

Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Maxbuub Maalim waxa uu tilmaamay inay Tallaabadaasi tahay mid muhiim ah oo muujinaysa sida ay u kordhayso Kalsoonida ay Beesha Calaamka ku qabaan DFS iyo Hay’addaheeda.

Waxa kale oo uu xusay in Tallaabada Aqoonsiga Dowladda Berlgium ee Baasabooradda Diplomaasiyiinta iyo Shaqaalaha ee Somalia ay aad u xoojin doonto Xiriirka labada dal iyo in Saraakiisha DFS fursad u heli doonaan inay la xiriiraan Hay’addaha Midowga Europe ee fadhigooda ku yaallo caasimadda dalkaasi ee Brussels.

Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Maxbuub Maalim waxa uu xusay in Aqoonsiga Belgium ee Baasabooradda Diplomaasiyiinta iyo Shaqaalaaha Somalia horseedi doonto inay aqoonsadaan Baasabooradda caadiga ee dalka Somalia.

Dhinaca kale, waxa uu ku booriyey dalalka kale ee haray inay aqoobnsadaan Baasabooradda ay DFS soo saartay iyo in ay taageero ka geystaan  dedejinta Fiisaha ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here