Wasaaradda warfaafinta Afqaanistaan oo la weeraray

0
674

Wasaaradda warfaafinta Afqaanistaan oo la weeraray

Qarax iyo rasaas xooggan ayaa laga maqlay dhismaha wasaaradda warfaafinta dalka Afqaanistan oo ku yaalla bartamaha magaalaa Kabul.

Afhayeenka wasaaradda warfaafinta Nasrat Rahimi ayaa sheegtay qaraxa wasaaradda lala beegsaday inuu dhacay saacaddu markay ahayd abbaaraha 10:30.

Ciidamada ammaanka ee dhismaha ilaalinayey iyo dableeyda weerarka soo qaadday ayaa isdhaafsanaya rasaas xooggan oo qayba badan oo magalada laga maqlayo.

Ilaa iyo haddana ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

Qaraxa oo ka dhacay waddooyinka ugu mashquulka badan magaalada Kabul, haddana waxaa waddadaasi ku yaalla hoteello caan ah iyada oo waddadaasina ay ku dhawdahay madaxtooyada looga arrimiyo dalka Afqaanistaan.

Huteelka Serena ayaa ka mid ah hoteellada waaweyn ee ay sida gaarka ah u daneeyaan dalxiisayaasha iney ku soo dagaan.

Ilaa iyo haddana waxaa magaalada ka socda rasaas, iyada oo ay toddobaadyadi la soo dhaafay ay hakadeen weerarrada badnaa lagu beegsan jiray dadka rayidka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here