Madaxweynaha Uganda Museveni oo markale u tartami kara xilka Madaxtinimada dalkiisa

0
636

Madaxweynaha Uganda Museveni oo markale u tartami kara xilka Madaxtinimada dalkiisa

Maxkamada Sare ee Uganda oo aqbashay in wax laga bedelo dastuurka dalka Uganda iyadoo ogolaatay in la baabi’iyo xadka da’ada ee dalka Uganda oo ahayd 75 sano jir inuu ka yaaraado musharaxa madaxweynaha.

Arrintan ayaa u saamaxaysa in Madaxweyne Yuweri Museveni oo ah 74 sano jir uu markale ka qeybgeli karo doorashada ka dhacaysa dalkiisa sanadka 2021.
Afar garsoore ayaa oggolaatay in wax laga bedelo dastuurka halka saddex kalana ay ka soo horjeesteen. .

Hore ayaa loo bedelay sharci dhigayay in labo jeer uu qofku isku sharaxi karo intii uu Madaxweyne ka ahaa dalka Uganda Museveni.

Talaabadan u dambeysay oo ay hore si xoog leh ugaga soo horjeesteen mucaaradka dalka Uganda ayaa u muuqata mid wadada u xaareysa inuu Museveni uu haysto xilka Madaxweynenimo illaa iyo inta uu nool yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here