Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo dilay darawal Bajaajle ah iyo banaan bax ka dhashay

0
563

Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo dilay darawal Bajaajle ah iyo banaan bax ka dhashay

Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa goor dhow darawal Mooto bajaajle ah ku dilay magaalada Muqdisho, kaddib muran dhex maray.

Dilka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Buundooyinka degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab, waxaana askariga dilka geystay uu ka mid ahaa Ciidamada Ilaalada deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dilka darawalka mooto bajaajka uu ka dhashay, markii askariga ka tirsanaa ciidanka munishiibiyada uu weydiiyay lacagaha canshuurta.

Darawalada mooto bajaajka ayaa banaan bax ka dhan ah dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ka sameeyay, waxaana ay taayaro ku gubeen Umbultooriyada Ceel Gaabta illaa Buundooyinka.

Darawalada mooto bajaajka ayaa dhibane u ah askarta dowladda, waana dadka ugu badan ee lagu dilo magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here