Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta furmaya

0
570

Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta furmaya

Waxaa maanta lagu wadaa in uu sirasmi ah uu u furmo kalfadhigii Shanaad ee mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliy,si ay u dardargeliyaan howlaha horyaala.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu sirasmi ah uu u furo kalfadhiga 5-aad ee Golaha shacabka,kadib markii ay ka soo laabteen xildhibaanadu fasax ay kujireen kaasi oo dhamaaday.

Qaban qaabo ku aadan qabsoomidda munaasabadda furitaanka ayaa haartan ka socota xarunta dugsiga tababarka booliska ee Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Ammaanka ayaa siweyn loo adkeeyey,waxaana ammaanka siweyn u adkeynayaa ciidamad anabadgeliyada iyadoo la xirey wadooyinka soo gala xarunta uu ka furmaya kalfadhiga baarlamaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here