Xogta Macdanta ku jirta dalka Soomaaliya oo maanta lagu wareejinayo Dowlada Federalka

0
719

Xogta Macdanta ku jirta dalka Soomaaliya oo maanta lagu wareejinayo Dowlada Federalka

Xog ku saabsan macdanta ku jirta dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lagu wareejiyo dowlada federalka Soomaailya iyadoo xogtaana la ururinayay illaa iyo horaantii qarnigii aynu ka soo gudubnay.

Macdanta ku jirta dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah dahabka iyadoo goobaha laga heli karo macaadiintana lagu muujiyay xogta lagu wado in lagu wareejiyo dowlada federalka.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa rumeysan in shirkado ajaaniib ah ay ka qaataan dalka macaadiin badan oo ay ka mid tahay Yuraaniyamta.

Xogtan ayaa la sheegay in shirkada SKA ay ku wareejinayso dowlada Soomaaliya iyadoo shirkadana ay xogta ka heshay qubaro British ah oo baarayay sanooyin badan.

Dhowaan ayaa la soo bandhigay xog ku saabsan kheyraadka shidaalka ee ku jira badda Soomaaliyeed,hase yeeshee soo bandhigida xogtaas ayaa waxaa ka dhashay khilaaf u dhexeeya dowlada Soomaaliya iyo dowlada Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here