Wararkii ugu dambeeyay ciidamada gadoodsan ee ku sugan duleedka degmada Balcad

0
543

Wararkii ugu dambeeyay ciidamada gadoodsan ee ku sugan duleedka degmada Balcad

Wararka laga helayo ilo ku dhow dhow ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliyeed oo maalintii labaad ku jira gadood ay ku dhaqaaqeen ayaa sheegaya in kulamo ay la yeeshee wafdi ka kooban wasiiro iyo saraakiil ciidan ay isku afgaran waayeen in ay dib ugu laabtaan fariisamahooda.

Hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamada gadoodsan ay fariin u fareen guddigii loo soo direy Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ah taliyaha guud ee ciidamada dalka.

“Waxaan diyaar u nahay in aan ku laabano fariisamadeena balse waxaan ka sugeynaa madaxweynaha dalka in uu xuquuqda naga maqan uu na siiyo.”ayaa lagu yiri fariinta loogu dhiibay guddiga uu soo direy Madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan ka sugeynaa dowlada mushaarka afar bil ah,rashinkeenii iyo iidaankeenii illaa maalinta Sabtida ah ee ku beegan 23ka bisha March 2019, haddii aan weyno xaqeenana wixii yimaada waxaa mas’uul ka noqon doona dowlada federalka.”ayay sii raaciyeen saraakiisha ciiidamada xoogga dalka ee horkacaysa ciidamada gadoodsan oo jooga duleedka koofureed ee degmada Balcad.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka General Indhoqarshe oo ka hadlay ciidamada gadoodsan ayaa sheegay in ay socoo diiwaangelinta ciidamada xoogga dalka askari walbana uu tago xerada uu ka howlgalo uuna heleyo xuquuqdiisa marka la diiwaangeliyo.

Wararka ka imanaya degmada Balcad ayaa sheegaya in ciidamo horleh ay ku soo biirayaan askartan gadoodsan iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo lagu arko dalka ciidamo gadoodsan oo ka cabanaya xuquuq ay leeyihiin.

Ciidamadan oo ku hubeysan gawaarida tiknikada ah ayaan la ogeyn tiradooda balse dadka u dhuundaloola arrimaha ciidamada ayaa ku qiyaasay in ciidamadan ay tiradoodu ku dhow dahay kun askari,waxayna sheegeen saraakiisha horkacaysa ciidamadan in la diiwaangeliyay lagana qaaday faro iyo sawir loona sameeyay account bangi Salaama balse aysan helin xuquuqdooda muddo afar bilood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here