Madaxweynaha Puntland Dani oo xariga ka Jaray kaydka shidaalka Garoonka diyaaradaha Garowe

0
513

Madaxweynaha Puntland Dani oo xariga ka Jaray kaydka shidaalka Garoonka diyaaradaha Garowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xariga ka Jaray Xarunta Kaydka Shidaalka Diyaaradaha ee Garoonka Gen. Maxamed Abshir ee Caasimadda Puntland ee Garoowe.

Munaasabadda xarig Jarka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xuseen Cismaan Yugatoor (Gabiley), Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Arrimaha Dastuurka Saalax Xabiib Jaamac, masuuliyiin ka tirsan Golaha Wakiillada Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada maamulka Puntland.

“Sharaf weyn bay ii tahay maanta inaan xafladdan kasoo qayb galo, waa wax lagu farxo tani, dalkeenu wixii uu u baahnaa qaybtii ugu muhiimsaneed baa la oran karaa in ay tani tahay, maxaa yeeley wajiga Puntland ama wajiga wadan kasta waa garoomadiisa.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa beyaamiyey in shirweyne caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Ganacsiga iyo Maalgashiga lagu qaban doono Puntland, kaasi oo waxbadan kusoo kordhindoona kobaca dhaqaale ee dalka, Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkaasi la qaban doono xagaaga soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here