10 maalmood kadib arooskooda ayuu xaaskiisa gowracay iyo sabab layaab leh oo ka dambeyso.

0
611

10 maalmood kadib arooskooda ayuu xaaskiisa gowracay iyo sabab layaab leh oo ka dambeyso.

Nin u dhashay wadanka Masar ayaa lagu soo waramayaa inu gowracay xaaskiisa oo uu kula jiray bisha malabka.

Ninkaan arooska ayaa ku kacay fal dambiyeed aad u fool xun kadib markii uu gowracay xaaskiisa oo uu kaliya mudo 10 maalmood la noolaa.

Sida hey’adaha amniga wadanka masar sheegeen ninkaan ayaa xaaskiisa ku gowracay mid kamid ah tuulooyinka gobolka Al-manuufiya asigoo sababta uu u gowracay lagu sheegay in ay ku tilmaantay nin aan rag aheyn isla markaasna uusan sariirta ku qancin Karin.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ninka uu qirtay dambigiisa ah inuu gowracay xaaskiisa cusub taasoo uu guursaday kadib markii ay ka dhimatay xaaskiisii hore wuxuuna qirtay inuu dilkeeda u adeegsaday midi af leh ilaa ay nafta ka baxday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here