Brazil: Niman iskuul ku laayay arday badan

0
515

Brazil: Niman iskuul ku laayay arday badan

Labo ruux oo hubaysan oo rasaas ku furay iskuul ku yaalla koonfurta bari ee dalka Brazil ayaa dilay ugu yaraan shan dhallin yaro ah, masuuliyiintuna waxay sheegeen in ragga hubaysan ay horay arday uga soo noqdeen iskuulka.

Toogashada ayaa dhacay 09:30 wakhtiga dalka Brazil markaas oo ardaydu ay ku jireen wakhtiga nasashada.

Iskuulkan oo dawladdu leedahay ayaa ku yaalla meel u dhaw São Paulo.

Waxaa geeriyooday labo ka mid ah shaqaalihii iskuulka iyo nin dukaan ku ag lahaa iskuulka oo raggii sweerarka soo qaaday ay gaariga ka dhaceen.

 

Labada ruux ee weerarka gaystay ayaa la sheegay in ay kala jiraan 17 iyo 25 sano, iyaga ayaana gacantooda isku dilay markii ay weerarka qaadeen ka dib.

Booliiska ayaa sheegay in ay wiilasha ka heleen baskoolad, qaanso iyo leeb iyo waxyaabo u muuqda in qaraxyo loo adeegsan karo.

BrazilLahaanshaha sawirkaREUTERS

Ma cadda sababta ardaydan hore ay u weerareen iskuulkoodii, inkastoo dambiyada hubka la xiriira ay caadi ka yihiin haddana ma badna dhacdooyinka noocan oo kale ah.

Madaxweyne Jair Bolsonaro oo siyaasaddiisu garabka midi gee fog tahay oo xafiiska la wareegay bishii Janaayo ayaa sixiixay amar madaxweyne oo sahlaya in shacabka sharciga ilaaliya loo sahlo in ay hub si sharci ah u yeelan karaan, arrintaas yaana ka mid ahayd waxyaabihii ugu waawaynaa ee uu ol’olaha doorashada ku galay, balse xayiraado badan oo hubka ah ayaa wali sii shaqaynaya.

BrazilLahaanshaha sawirkaREUTERS

Iskuulka Raul Brasil waxaa dhigta arday lagu qiyaasay 1,000 oo isugu jira dugsi hoose iyo mid sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here