Saraakiishii ugu Sareysay Ciidanka Daraawiishta Puntland oo iscasilaad u gudbiyay madaxweyne Deni.

0
550

Saraakiishii ugu Sareysay Ciidanka Daraawiishta Puntland oo iscasilaad u gudbiyay madaxweyne Deni.

Taliyaha ciidanka Daraawiishta maamulka  Puntland Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen iyo abbaan-duulaha Daraawiishta Gen Siciid Maxamed Salaad (Goraya-cawl) ayaa labaduba warqadaha is-casilaadda u gudbiyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed.

Ilo’ xog-ogaal ah ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in labada Generaal ay xalay iscasileen kadib isfaham la’aan iyo khilaaf soo kala dhex galay iyaga iyo madaxweynaha Puntland oo ku aaddan jawaabta Puntland  ka bixinayso dullaanka ay sheegteen in Somaliland ku soo qaadday degaanno kamid ah koonfurta bari ee gobolka Sanaag.

Hase yeeshee weli lama xaqiijin in madaxweynuhu aqbalay waraaqaha iscasilaadda ee ay u gudbiyeen taliyaasha iyo in kale waxaana xiriir aan la samaynay dhinaca madaxtooyada ilaa iyo haatan noo suura-gelin in aan xog dheeriya ka helno xafiiska madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Ciidamada Somaliland ayaa shalay saldhig ciidan ka samaystay degmada Yubbe ee koonfur bari gobolka Sanaag halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin in ka badan 30 gaadiidka teknikada Somaliland oo ka soo ruqaansaday dhinaca magaalada Ceerigaabo.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in ay u sii gudbayan degaannada ku yaalla bariga gobolka Sanaag oo ay ku jiraan Xiingalool Damalla-xagarre iyo Badhan iyagoo sheegay in ay ka hortagayan weerarro Somaliland uga yimaada Gen Caarre oo hoggaamiya jabhad fadhigeedu yahay agagaarka magaalada Qardho ee gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here