Soomaalida Kenya oo ku eedeyay dowlada Nairobi in xagal daacin ay ku heyso hormarka waqooyi Bari

0
821

Soomaalida Kenya oo ku eedeyay dowlada Nairobi in xagal daacin ay ku heyso hormarka waqooyi Bari

Shacabka ku dhaqan gobolka waqooyi bari Kenya ayaa aragtidooda ka dhiibtay isbadalka ku yimid Kenya kadib heshiiskii ay gaareen madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha Mucaaradka Mr Raila Odinga.

Qaar ka mid ah dadkaan oo galabta kula hadlay Universal ayaa sheegay in ay ka dhaxleen oo kaliya hormar la,aan maadama aysan Jirin wax shaqo abuuris oo ay heshay dhalinyarada.

Tusaale ahaan ayaa waxay u soo qaateen in gobolka uu ka soo jeedo Raila Odinga ee Nyanza ay ka socoto mashaariic hormarineed taasi oo ku timid heshiiska labada dhinac.

Gobolka waqooyi Bari oo ay degto soomaalida Kenya ayaa waxaa uu dhanka hormarka ka liitaa gobolada kale iyadoo shacabka ay ku dhaliileen in xagal daacin ay dowlada Ku heyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here