Wasiir Ka Tirsan Dawlada Faderaalka Somaliya Oo Geeriyoodey

0
688

Wasiir Ka Tirsan Dawlada Faderaalka Somaliya Oo Geeriyoodey

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow Isbitaal ku yaala magaalada Dubai ku geeriyooday Wasiirkii Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil, kaddib xanuun ku soo booday.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa xaqiijiyay geerida Wasiirka oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Dubai, halkaasoo uga qeyb galayay arooska gabadhiisa.

“Waxaa hadda isbitaal ku yaala Dubai ku geeriyooday Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxman Xoosh Jibriil. Ilaahey ha u naxariisto, janatul firdowsana haka waraabiyo. Dhamaan eheladii, qaraabadii, qoyskii uu ka geeriyooday iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed Samir iyo iimaan Ilaahey haka siiyo. Aamiin”ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka.

Wasiir Xoosh ayaa ka mid ahaa Wasiirada ugu miisaanka badna Xukuumadda, waxaa uu gacanta ku hayay howlaha Dib u eegista Dastuurka, isagoo hoggaaminayay shirarka dib u eegista Dastuurka ee ka socday dalka gudihiisa iyo dibadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here