DEG DEG : Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

0
953

DEG DEG : Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qarax xooggan uu goordhow ka dhacay degmada Boondheere, kaasoo sababay kahsaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa mid si weyn looga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay banaanka hore ee maqaaxi caan ah oo lagu magacaabo Dalsan, taasoo ku dhow taalada Xaawa Taako.

Goob joogayaal, ayaa soo sheegaya in gaariga la dhigay afaafka hore ee maqaaxida uu mar kaliya qarxay, waxaana halkaasi ku geeriyooday laba qof, halka dhaawucuna uu intaasi ka badan yahay.

Ciidamada amaanka oo tagay halka qaraxa uu ka dhacay, ayaa sameeyay howlgallo baaritaano ah, waxaana wali u xiran goobta qaraxa uu ka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here